FINENTRY-howlaha adeegga Macluumaad isticmaalaha 14.12.2020 | Xeerka baarlamaanka yurub iyo kan golaha 2016/679 (Xeerka ilaalinta xogta EU) |
Bayaanka diiwaanka iyo macluumaad asturka
1 Lafoguraha macluumaadyada shaqsiga | Adeeg bixiye: Dalladda Helsinki iyo Uusimaa degmooyinka daryeelka cudurrada ku midoobay (HUS) Cinwaa: Stenbäckinkatu 9, PL 100, 00029 HUS, Finland Barta telefoon gudbinta: +358-9- 4711 E-mailka: keskuskirjaamo@hus.fi Cinwaanka boostada: HUS keskuskirjaamo, PL 200, 00029 HUS, Finland |
2 Qofka masuulka ka ah diiwaanka shaqsiga | Markku Mäkijärvi, madaxa dhakhtarka sare E-mailka: markku.makijarvi@hus.fi |
3 Sarkaalka ilaalinta xogta | HUS Keskuskirjaamo PL 200 00029 HUS E-mailka: eutietosuoja@hus.fi |
4 Macluumaadka laga helo arrimaha diiwaangelinta shaqsiyadeed | HUS Keskuskirjaamo PL 200 00029 HUS E-mailka: eutietosuoja@hus.fi |
5 Magaca diiwaanka shaqsiga | FINENTRY- keydka diiwaanka, halkaas oo macluumaad lafogure aay ka tahay Dalladda Helsinki iyo Uusimaa degmooyinka daryeelka cudurrada ku midoobay (HUS). Howlaha adeegga kuwa billaabay isticmaalka sida qeybaha ka shaqeeya daryeelka caafimaadka (daryeelka caafimaadka degmooyinka midoobay ama degmada) ee ka howlgala aaggooda oo soo bandhigay adeegaan shaqada diiwaangelinta aaggooda dadyoowga imaanaya hagistooda xagga cudurka koroonaha sambal ka qaadistiisa. |
6 Ujeedada lafogurka macluumaadka shaqsiyadeed | COVID -19 cudurka faafa, abaabulka sambal qaadista inta lagu gudajiro iyo ku wargalinta soogalootiga wixii ku saabsan tilmaamaha maamulka Finland. |
7 Macluumaadyada shaqsiyada lafagurista waxaa aasaas u ah | Xeerka Ilaalinta Xogta Guud ee EU (679/2016): * 6. qodobka 1- qeybta c-xubinta: Lafogurista waa lagama maarmaan si loo waafajiyo waajibaadka sharciga ah ee diiwaangeliyaha. * 6. qodobka 1- qeybta e-xubinta: Lafogurku wuxuu lagama maarmaan u yahay fulinta hawsha loo qabtay danta dadweynaha ama ku dhaqanka awoodda rasmiga ah ee u gaarka ah diiwaangeliyaha. * 9. qodobka 2- qeybta h-xubinta: Lafagurku wuxuu lagama maarmaan u yahay baaritaanka caafimaadka. Sharciga Finland, www.finlex.fi: Xeerka ilaalinta xogta (1050/2018) iyo Xeerka infekshanka (1227/2016) |
8 Macluumaadka ku jira diiwaanka | Magaca, nooca jinsiga, taariikhda dhalashada, lambarka taleefanka, cinwaanka e-maylka, barta lagaga gudbo xadka, goobta deggaanka Finland, qaabka safarka, magacyada dadka safraya ee kula socda iyo taariikhda dhalashadooda, haddii isticmaalaha uu ayaga ballamo sambal baaris ah u dhigayo. Lambarka aqoonsiga shakhsi ahaaneed ee kumeelgaarka ah ee ay soo saartay adeegga. |
9 Ilaha laga soo xigtay macluumaadka joogtada ah | Halka laga xigtay macluumaadka ayaa ah adeegsiga adeegga laftiisa (bukaan-socod). |
10 Kooxaha aqbala macluumaadyada shaqsiyadeed | Barta la talinta iyo goobta soogalootiga ee COVID-19 meesha samballada lagu qaado waxaa ka shaqeeya xirfadlayaal daryeel caafimaad. Midawga degmooyinka daryeelka bukaannada ama goobta degaanka ee hey’adda cudurrada faafa. |
11 Ku bixinta macluumaadyada sida sharciga uu qabo | a) Aagagga nidaamka waqti ballan dhigashada baarista sambalka koroonaha. b) Codsi sambal ah oo ku saabsan nidaamka sheybaarka ee ay isticmaasho cudurka daryeelka degmooyinka midoobay. c) Xogta dadka isticmaala ee laga helay sambal laga qaaday feyruuska koroonaha waxaa loo gudbin doonaa goobta degaanka ee daryeelka caafimaadka degmooyinka midoobay / goobta degmada hey’adda cudurrada faafa si loo baaro sida waafaqsan xeerka cudurada faafa (1227/2016). |
12 Waqtiga la keydinayo macluumaadyada | FINENTRY- keydka macluumaadyadawaxaa la keeydin doonaa 12 sanoxagga isticmaalkala xiriiramacluumaadka galalka waxaa la keeydinayaa 12 sano ( sharciga bulshada iyo daryeelka caafimaadka macluumaadka macaamiisha lafogurka elektrooniga ah waa lafogurka 5§:dhexdeeda oo loola jeedo macluumaadka feylasha. |
13 Xaquuqda diiwaangalka | Isticmaalaha waxaa la ogeeysiinayaa sharuudaha isticmaalka waa adeegga isticmaalka macluumaadka, kaaso oo isticmaalaha iska diiwaangelinayo adeegga. |
14 Wareejinta macluumaadyada EU:da ama ETA dibeddeeda | Maya lama wareejinayo. |
15 Mabaadi’da xafididda diiwaangelinta | A Farsamo ahaan macluumaadka la lafogurayo FINENTRY -isticmaalaha adeegga macluumaadkauu bixiyoweey keydsamayaan ama macluumaadyada baarista samballada xirfadlaha isticmaalaya aad ayaa barnaamijyada loo xaqiijin, ayadoo la isticmaalayo kaarka hubinta ee xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka. Howlaha adeegga la xiriira isgaarsiinta iyo xafididda keydka macluumaadka waxaa adeeci HUS amniga maareeynta macluumaadkaiyo ku dhaqanka xafididda. Macluumaad keydinta xaquuqda xirista isticmaalka waa la xadidi xagga xuquuqda daawashada oo kaliya hadba kan u shaqeeya howlwadeennada caafimaadka iska diiwaangeliyay diiwaannada / bukaannada macluumaad daawashada. B Aaladaha gacanta laga qabto FINENTRY -habka uu u shaqeeyo macluumaad keeydiyaha maba ka yimaadaan aaladaha gacanta laga qabto. |
16 Xuquuqda saameynta cabasho maamulka kormeera | Cid walba oo sika diiwaangelisa waxeey xaq u leedahay in aay sameeyso cabasho una gudbiso maamulka kormeera, khaas ahaan waddanka ku tirsanaha ah, halkaas oo goobta degaanka uu joogtada u deggan yahay ama goobta shaqada aay ku taal ama meeshii xadgudubka lagu eedeeyay oo uu ka dhacay, haddii isdiiwaangeliyaha uu u arko, in macluumaadyadiisa shaqsi ahaaneed lafogurista lagu jabiyay EU xeerka ilaalinta xogta, ayadoo aanan la xaddideeynin maamullada kale ee hannaan isbedel doonaya in aay ku sameeyaan ama hannaan xafidaad xaquuqeedka. Wargelinta maamulka kormeera: Xafiiska sarkaalka ilaalinta macluumaadka Cinwaanka imaatinka: Ratapihantie 9, 6. krs, 00520 Helsinki, Finland Cinwaanka boostada: PL 800, 00521 Helsinki, Finland Barta felefoon gudbinta: +358-29- 56 66700 E-mailka: tietosuoja@om.fi |
Päivitetty 29.11.2020